Waa maxay Wonderbag?

Wonderbag waa aalad kulka kaydisa oo cuntada lagu kariyo. Wax kaleba maaha!.

Aaladdan Wonderbag waxa lagu karin karaa cuntooyinka kala duwan sida hilibka, khudradda, maraqa, suugada, bariiska iyo makaroonaha dhexkariska ah. Waxa aad cuntadaada u diyaarsayansaa sida caadiga ah kadubna dabka kuddo yar ku kululaynaysaa, dabadeedna Wonderbagta ku dhex ridaysaa.

Aaladdan Wonderbag ee sida cajiibka leh kulka u kaydinaysaa waxa ay suurto galinaysaa in cunto aad waqti yar karkarisay ay dhamys tirto iyada oo aan u baahnayn waxa tamar(dab) dheeraada ah. Reerku waxa uu karsan karaa cunto kulul oo aad u macaan iyaga oo lacag iyo dabkaba kaydinaya. Waxa kale oo intaa kuu dheer in aan loo baahnayn waqti badan oo aad cuntada dul taagnaatid oo aad kolba eegtid waqtigaas oo aad shaqooyin kale qabsan kartid ama carruurtaada ilaalisd, ama wax baratid ama shaqaysatid.

Faaiidooyinka Wonderbag waxa ka mid ah…

  • Waxa ay yaraynaysaa isticmaalka dabka in ka badan 50%(dhuxusha).
  • Waxa ay yaraysaa sunta ka baxda qiiqa dhuxusha
  • Waxa ay yaraysaa waqtiga aad cuntada karinaysid, taasoo kuu suurto galinaysa sidii aad fursad dheeraada ugu heli lahayd caruurtaada ama shaqadaada
  • Waxa ay yaraysaa khatarta dhuxusha iyo girgirayaasha maadaama aad wax yar uun isticmaalaysid.
  • Waxa ay kaydisaa biyaha. Marka Wonderbag aad isticmaashid, uumigii ka bixi lahaa dib ayuu distiga ugu noqdaa, biyo badanna cuntadu uma baahna
  • Cuntada ayay ilaalisaa. Waxa dhacda in dabku gubo cuntada mararka qaarkoood. Wonderbag laakiin wax gubitaan ah ma laha.

Nagala soo xiriir: contact@ha-wonderbag.com