Talo iyo Tusaale

Tusaale

  • Waxa aad u isticmaali kartaa Wonderbag si aad ku kaydsato cuntooyin qabaw ama baraf ah oo ay ilaa 12 sacacadood barafka kuu kaydinayso.
  • Isticmaal disti ku habboon oo si fiican u dhex gasha Wonderbag. Kulku waxa uu si fiican u kaydsamayaa marka ay distidu buuxdo oo si fiican kiishka u leegtahay. Sidoo kale distiga aad isticmaalayso waa in daboolku si fiican u hayo oo la doorbido kuwa aan galaaska ka samaysnayn.
  • Si fiican u dabool Wonderbagta adiga oo raacaya wakhtiyada loogu talo galay cuntooyinka. Haddii aad furto, waxa dibada u soo baxaya kulkii aad kaydinaysay. Sidoo kale kul fiican ayaa aad kaydinaysaa haddii daboolku si fiican u hayo oo aanu daloolka yare ee ay ka neefsato lahayn
  • Dadka qaarkood tuwaal aya hoos dhigaan Distiga oo ay ka ilaalinayaan Wonderbagta in ay wax ku daataan.
  • Wonderbagtaada u qaado meel kastado. Waa aald kuu suurto galinaysa in aad cuntda dibadda u qaadatid ama kuu kaydisa kulayl/qabow marka aad safar u baxaysid.

Talo

  • Toos ha u galin Wonderbagta disti aad dab aad u sarreeya ka qaaday. Habkarisyadu dhamaantood waxa ay ku tusayaan in aad dabka yarayso ama dhexhdexaad ka dhigto ka hor inta aanad ku wareejin Wonderbagta. Tixraac habkariska iyo waqtiyadiisa.
  • Ha galin cunto qayb laga cunay ama cunto diiran Wonderbagta. Waxa neqon doonta meel bakteeriyadu ku tartanto.
  • Ka ilaali dabku inuu taabto Wonderbagta.
  • Toos ha u galin cunto aad moofoda ka kulul 180C aad ka soo saartay. Ha isticmaalin disti ka samaysan dhoobo.
  • Marka cunto kuugu jirto Wonderbagta, ka fogee meel carruurta yaryari ay rogi karto.
  • Waxa aad ku dhaqi kartaa Wonderbagta mishiinka dharka laakiin ha galin qallajisada